Soomaaliya oo laga yaabo in ay sanadkan ka baaqdaan gudashada xajka

by admin | Saturday, Jul 7, 2018 | 1282 views

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan 2018; waxa ay soosaartay qoraal ku saabsan qiimaha lagu tegayo xajka, shirkadaha fududdeynaya howsha xajka iyo qaabka lagu helayo dalkugalka ama Viisaha xajka, qoraalka wasaaradda oo uu ku saxiixnaa wasiir ku xigeenka wasaaradda mudane Cismaan Aadan Dhuubow, ayaa sababay in su’aalo badan ka yimaadaan go’aanadii ku qornaa.

Muddo dheer kahor adeegga xajka waxa fududeyn jiray guud ahaan Soomaaliya labada shirkadood ee kala ah  Jubba Airways iyo Daalo Airlines, balse go’aanka soo baxay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya ayaa wax ka beddelaya tirada shirkadaha bixinaya adeegga xajka iyo qiimaha xajkaba.

Halkii uu ka ahaa qiimaha xajka ay ku gutaan xujeyda Soomaaliyeed $3,800.00 (Saddex kun iyo siddeed boqol oo dollar), waxa ay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diintu sheegtay  in qiimaha xajku noqon doono sanadkan 3,300.00 (Saddex kun iyo saddex boqol oo dollar), shirkadaha bixinaya adeegga xajkana waxa ay wasaaraddu ku soo dirtay 3; shirkadood oo cusub, sidaas awgeed 5; shirkadood ayay wasaaraddu kadhigtay shirkadaha fududeynaya adeegga xajka sanadka.

Magacyada shirkadaha

  1. Jubba Airways
  2. Daalo Airlines
  3. Ocean Airways
  4. Freedom Airlines
  5. African Express

Mashaakilka taagan

Sida caadiga ah shirkadaha u adeegga Xujeyda waxaa Wasaaradda Xajka ee Dowladda Sacuudigu ka doonaysaa in ay buuxiyaan shuruudo dhowr ah si shaqadaas u qabtaan, haddaba shirkadaha cusub ee lagu soo daray shirkadaha bixinaya adeegga xajka sanadkan waxaa ku adkaatay in ay buuxiyaan shuruudaha ay boqortooyada Sucuudigu uga baahan tahay in laga helo shirkad walba oo qabaneysa ama fududeyneysa adeegga xajka.

Qof ka tirsana shirkadaha la sheegay inay buuxin waayeen shuruudaha adeega xujeyda  oo si hoose ula hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay qabtaan adeega xajka iyadoo xujaydu ay ku sii hakan  doonaan (transit) wadamada deriska sida Djabuuti iyo Kenya .

Shirkadaha cusub oo kala ah Ocean Airways, Freedom Airlines iyo African Express ayaa diyaar qiimaha xajka ku qabtaan sidii wasaaradda awqaafta soo saartay oo ahaa 3,300.00 (Saddex kun iyo saddex boqol oo dollar) halka  Shirkadaha   Jubba Airways iyo Daalo Airlines,  ay rabaan inay qiimaha xajka ku qabtaan sidii sanadihii hore oo ahaa $3,800.00 (Saddex kun iyo siddeed boqol oo dollar).

Illaa hadda Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diintu ma gaarin wax go’aan ah iyada oo og in dhinaca maamulka arrimaha xajka ee Sucuudigu uu u sheegay wasaaradda in shirkadaha cusub ee wasaaraddu ku kordhisay shirkadaha bixinaya adeegga xajku aanay buuxin shuruudihii looga baahnaa si ay shaqada adeegga xajka u qabtaan.

Waxaa la joogaa xiligii uu soo bixi lahaa dalkugalka ama Fiisaha xajka, illaa haddana lxareynti ayaan go’aan laga gaarin soosaaridu ha joogtee.

Sanadihii hore  waxaa la xareyn jirey qabashada dokumentiyada xajka  inta lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, balse sanadkaan weli lama xareynin,  sidaas awgeed xujey badan ayaa ku wareeraan halka ay u wajihi karaan xajka iyada oo ay jirto xaalad hubaal li’i ah oo haddii aysan madaxdu faragelin degdeg ah ku sameyn arrintan ay dhici karto  in markii ugu horeysay xujeyda Soomaalidu ka baaqdaan gudashada tiirka xajka.

Xajka ayaa loo arkaa ganacsi laga sameeyo dhaqaale badan taas oo sababtay in uu billawdo tartan xoogan oo ka dhexeeya shirkadaha duulimaadyada dalka.

Tartankaas faa’iido doonka ah waxa suuragal ah in uu waxyeelo gudashada ruknigan weyn ee ka midka ah tiirarka  islaamka ku dhisan yahay

Xaaladdan cakiran ayaa imaanaysa iyadoo Sanadkan Safaaraddda Soomaaliya ee Sacuudiga ay Safiir la’aan tahay ku dhawaad lababa bil taasoo keentay inaan ilaa hadda xal laga gaarin adeega xajka ee xujeyda Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response