SUCUUDIGA OO CADDEEYAY SABABTA UU U SOO CELIYAY 27,000 NEEF{AKHRISO}

by admin | Sunday, Aug 12, 2018 | 930 views

Dowladda Sucuudiga ayaa war ka soo saartay sababta ay u soo celisay 27,000 Neef oo Ari ah kuwaas oo ka mid ahaa xoolaha Soomaaliya ee mowsimka Xajka laga cuno Sucuudiga.

Dowladda Sucuudiga ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Xoolahaas lagu tuhmayo Cudurka “Rift Valley fever”.

Xoolahan ayaa todobaadkii hore laga soo celiyay Magaalada Jiddah ee Dalka Sucuudiga,waxaan uu Arigan ka koobnaa 27,000 Neef oo Ido iyo Ari cad isugu jira.

Go’aanka Dowladda Sucuudiga waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo dowladda Soomaaliya ay dhawaan la safatay Sucuudiga oo xiisad diblomaasiyadeed kala dhaxeeyo Dalka Canada.

https://pbs.twimg.com/media/

Like it? Share it!

Leave A Response