Tahriibayaal Ethiopian Ka Ambabaxay Bosaaso Oo Ku Geeriyootay Xeebaha Yemen.{sawiro}

by admin | Thursday, Jun 7, 2018 | 1038 views

46 Tahriibayaal Ethiopian ayaa geeriyootay, 16 kalena waa lagu la’ yahay Dooni ay la socdeen ugu yaraan 100 Ethiopian ah oo ku degtay Gacanka Cadmeed.

Tahriibayaasha geeriyootay waxay kala ahaayeen 37 rag iyo 9 haween, halka 16 kalena oo la la’ yahay lagu xisaabay inay geeriyoodeen.

Doonidaasi waxay bishan June 5-dii ka ambabaxday Xeebta magaalladda Bosaaso ee Maamulka Puntland, waxayna Tahriibayaasha ku haminayeen inay shaqo ka heli doonaan Yeman iyo dalalka Gacanka Carbeed.

Agaasimaha Hay’adda Muhaajirtiinta Caalamka ee IOM ugu qaabilsan Hawlgalladda iyo Gurmadka, Maxamed Cabdikeer waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin Masiibadda ay Tahriibayaashaasi ku geeriyoodeen.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/06/

 

 

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/06/

Like it? Share it!

Leave A Response