Taliska Booliska Baydhabo oo soo saaray Amaro ku socda Shacabka

by admin | Friday, Jul 31, 2020 | 402 views

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Korneyl Mukhtaar Ibraahim Axmed ayaa sheegay in dadka ku dhaqan magaalada iyo nawaaxigeedaba looga baahan yahay inay qayb ka noqdaan xaqiijinta amniga Magaalada iyo degaannada hoostaga.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Baydhabo waxaa uu sheegay in Bulshada ay waajib ku tahay ka qeyb qaadasha sugida amniga inta lagu guda jiro maalamaha Ciidul-Adxaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka Magaalada Baydhabo i diyaarsan yihiin dardar gelinta howlaha suginta Amniga,isla markaana ay ka feejigan yihiin weeraro ka dhaca Magaalada Baydhabo iyo degaannada hoostaga.

Like it? Share it!

Leave A Response