Taliska Ciidanka xooga oo faah faahiyey dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

by admin | Saturday, May 16, 2020 | 460 views

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa Maamulka koonfur Galbeed iyo Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa dagaal khasaaro geystay uu ku dhex-maray deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Baydhabo,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Abaanduulaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed oo faah faahin ka bixiyay weerarkaas ayaa sheegay in Ciidamada uusan dagaalkaas kasoo gaarin wax khasaaro ah.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab dhankooda dagaalkaas lagu gaarsiiyey khasaaro,sial markaana Xubno ka tirsan oo aad looga yaqaanay deegaannada koonfur Galbeed,iyada oo uusan shaacin Magacyada Xubnahaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalad ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamada dowladda & kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay ku sugan yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response