Taliska Mareykanka AFRICOM Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Gaaray Soomaaliya

by admin | Friday, Aug 3, 2018 | 967 views

Warar La helay ayaa sheegaya in la dhimi doono Tirada Ciidanka Mareykanka Ee Kusugan Dalka Soomaaliya iyadoo Xogtaan ay muujineyso sida Ka fiirsi la’aanta ah Ee Dawlada USA uga qaadaneyso Dawlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Hore Madaxweynaha Mareykanka Donald J.Trump ayaa waxa uu sheegay inay is garab taagi doonaan Ciidanka Soomaaliyeed iyo Dawlada intuba.

 

Hadda warar soo baxay ayaa ku waramaya in La yareyn doono Tirada Ciidankooda Ee Jooga Gudaha Soomaaliya.

 

Taliyaha Taliska Ciiddanka Mraaykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneral Thomas  Waldhauser oo la hadlay Wargeyska New York Times ayaa waxa uu sheegay inay kaga goleeyihiin Arintaan in la xakameeyo Ciidanka ka joogo Africa.

Isagoo Jooga Dalka Jarmalka ayuu Taliyuhu sheegay inay ka wada bixi doonin Askarta ka jooga Africa Gaar ahaan Dalka Geeska ku yaalla Ee Soomaaliya.

 

Mareykanka ayaa ka qeyb noqda Howlgalada Abaabulan Ee Lagu Ekeeyo Shabaabka oo Mucaarad ku ah Dawlada Soomaaliya,weerarna loogu tego Deegaanada ay joogaan.

Like it? Share it!

Leave A Response