Taliyaha Ciidanka lugta oo gaaray Beledweyne

by admin | Monday, Jan 17, 2022 | 465 views

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan masuuliyiin ka’tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta garoonka Diyaaradaha ugaas Khaliif ee Beledweyne ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka lugta ee Xooga Dalka soomaaliyeed General Maxamed Biixi Cabdi.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte ayaa Taliyaha iyo saraakisha kale kaga mahad-celiyey imaatin kooda maadama baahi loo qabay Taliyaha si loo sii xoojiyo dadaalada looga xureynayo Gobalka Hiiraan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Lugta xooga Dalka soomaaliyeed ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweeynta Diiran ee loo sameeyey asigoo xusay in Beledweyne ay gali doonto jawi nabadeed asigoo u mahad-celiyey Maamulka Gobalka hiiraan Hormarka iyo nabada ay ka shaqeeyen.

Like it? Share it!

Leave A Response