Taliyaha Ciidanka lugta Uganda oo Muqdisho yimid lana kulmay Farmaajo & Rooble

by admin | Monday, Sep 27, 2021 | 222 views

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaaray Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Lt. General Muhoozi Kainerugaba oo uu dhalay Madaxweynaha Uganda iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay.

Wararkaa helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiishaan ay la kulmeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan , in kaatoo aan saxaafadda loo soo bandhigin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Safarkaan uu Muqdisho Maanta ku yimid Taliyaha Ciidanka lugta Uganda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu khilaaf uu weli u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble, sidoo kalena dhawaan Madaxweynaha Uganda uu sheegay hadii la xalin waayo khilaafka uu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response