Taliyaha cusub Ciidanka AMISOM oo ku baaqay xoojinta dagaalka Al-Shabaab

by admin | Tuesday, Sep 22, 2020 | 375 views

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Diomede Ndegeya, ayaa kormeer howleed ku tagey ciidamada AMISOM  qeybta 5-aad, ee ku sugan magaalada Jowhar.

Booqashada ayaa qeyb ka ah isbarasho ee uu ku marayo dhammaan lixda waaxood ee AMISOM.

Ciidamada  Burundi  oo ka hoos shaqeeya AMISOM ayaa gacanta ku haya qaybta 5-aad oo xaruntoodu tahay magaalada Jowhar, halkaas oo xarun u ah  dowlad goboleedka Hirshabelle, oo qiyaastii 90km u jirta Muqdisho.

Taliyaha ayaa madaxda ciidamada AMISOm kala hadlay dardargalinta waxqabadka ciidamadaasi iyo ka qeybqaadashada dadaalkaloggu jiro soo celinta nabadda,ka hortagga Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay in ay ka qeyb ka noqdaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa meelaha ay gacanta ku hayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response