Taliyayaasha AMISOM oo lagu amray Fulinta Qorshaha ka bixista Soomaaliya

by admin | Sunday, Apr 15, 2018 | 925 views

Ku xigeenka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Simon Mulongo, ayaa amar ku siiyay taliyayaasha kala duwan ee Ciidanka AMISOM in ay fuliyaan qorshaha AMISOM ay kaga baxeyso Soomaaliya si loo fuliyo xeerkii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.
Mr. Mulongo,waxaa uu ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen taliye qeeybeedyada AMISOM,kaas oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya,sida AMISOM u soo gaba gabeyn karto howlgalka iyo dhaqan gelinta Qaraarkii Golaha amaanka ee farayay AMISOM in amniga Dalka ay ku wareejiso Ciidanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in awood ku wareejinta Ciidanka Soomaaliya ay suuragal tahay marka AMISOM ay laba jibaarto howlgalkeeda ka dhanka ah Al-shabaab,kana guuleysato markaas oo AMISOM uu sheegay in ay u fududdahay wareejinta Amniga Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay shaqada AMISOM ayuu sheegay in shaqada ugu weyn ee AMISOMĀ  ay tahay hadda fulinta qorshaas iyo xaqiijinta doorashada qof iyo cod ee Sanadka 2020, la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.
Haji Ssebirumbi, oo ah sarkaalka dhinaca siyaasadda AMISOM ayaa sheegay in qorsha wareejinta amniga Soomaaliya ay hoggaamineyso Dowladda Federaalka ah AMISOM-na ay qeyb ka tahay fulinta howshaas.

Mr. Ssebirumb,ayaa intaas ku daray in 1,000 Askari oo AMISOM ah ay ka bixi doonaan Soomaaliya Bisha October ee 2018,halka 1,000 kalena ay horay u baxeen dhamaadka Sanadkii la soo dhaafay.

Like it? Share it!

Leave A Response