Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Uganda ee jooga Somaliya

by admin | Wednesday, Dec 19, 2018 | 775 views

Dowladda Uganda ayaa isbeddel dhinaca hoggaanka ah  ku sameysay Ciiidamada ka jooga Soomaaliya ee ku jira Howlgalka AMISOM.

Brig Michael Kabango, oo ahaa Taliyaha qeybta 5aad ee Ciidanka Difaaca waqooyi ee Uganda ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya.

Brig Kabango waxaa uu xilka kala wareegi doonaa Jeneraal  Paul Lokech isaga lafteesa kala wareegay  Muhanga Kayanja Sanad ka hor.

Brig Kabango , waxaa uu horay u ahaa Ergeyda Ciidanka Uganda ee Soomaaliya isaga oo sidoo kalena ahaa Taliyaha qeybta 5aad ee Ciidamada Difaaca  waqooyi ee Uganda.

Dowladda Uganda ayaa u mahad celisay taliyihii hore ee Ciidanka Uganda ee SOomaaliya Jeneraal Lokech, oo ay ku tilmaantay in uu ahaa nin shaqo fiican qabtay Afrikaannimadana ay ku weyntahay.

Taliyaha cusub ayaa Talaadadii shalay ahayd ka soo dhoofay Kampala,waxaana uu soo gaaray Magaalada Muqdisho halkaas oo uu xilka kula wareegi doono dhawaan.

Uganda waxaa ay wali tahay dalka ay Ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya,waxaana ay ku leedahay lix kun oo Askari.

Like it? Share it!

Leave A Response