Taliye ka tirsan Booliska Kenya oo is dilay

by admin | Friday, Apr 19, 2019 | 1079 views

Taliye Sare oo ka tirsan booliska deegaan lagu Magacaabo Likoni oo hoostaga Magalada Mombasa ayaa is dilay, kadib markii uu toogasho ku dilay Haweeney ay saaxiibo ahaayeen.

Dhacdadaas oo aad looga hadal haayo Magalada Mombasa ayaa daba socota kadib markii taliyahaas oo ahaa taliye kuxigeenka taliska Booliska deegaanka  Likoni ay wada murmeen Haweeneyda ay saaxiibada ahaayeen oo ka Shaqeyneysay Baar ku yaalla deegaanka Mtongwe ee Magalada Mombaasa.

Ciidamo ka tirsan booliska Kenya ayaa tegay halka ay dhacdadu ka dhacday,waxaana ay baaritaano xoogan haatan ku hayaan sababaha ugu weyn ee ka dambeysay in uu taliyahaasi sare uu is dilo.

Like it? Share it!

Leave A Response