Taliye ka tirsan Ciidamada Dowlada oo sheegay in uu is casilayo

by admin | Sunday, Sep 15, 2019 | 596 views

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Baladweyne ka taagnaa khilaaf ka dhashay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hir-Shabelle kuna tababartay Magalada Baladweyne,kuwaas oo la doonayay in loo qaado Dhuusamareeb,hayeeshee Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee G/Hiiraan ay sheegeen in Ciidamadaas ay ka howlgeli doonaan halkii ay dowladda amarto

Taliyaha Guutada 5aad qeybta 27aad  Ee ka howgalla deegaannada Maamulka Hir-Shabeelle faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) ayaa sheegay in Ciidamadaan ay yihiin Ciidamo Qaran  balse aysan aheyn kuwa qabiil,isla markaana ay ka howlgeli doonaan meel alaala meeshii ay dowladda u dirto.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in agabkii ay Ciidamadaas ku Shaqeyn lahaayeen la diyaariyay,isaga oo intaasi ku daray hadalkiisa Hadii la diido in Ciidamadaas la qarameeyo uu iska casili doono xilka uu hayo ee ah Taliyaha Guutada 5aad qeybta 27aad.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay taliyaha in Ciidamadaan ay yihiin kuwo u diyaarsan inay saddexda Gobol ee Hiiraam,Galgaduud iyo Mudug ka fuliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolada dalka Soomaaliya.

Markii ay soo baxday Wararka sheegaya in Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle ee lagu tababaray Magalada Baladweyne loo qaadayo Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa tallaabadaasi kasoo horjeestay Odayaasha Gobolka Hiiraan,kuwaas oo sheegay in Gobolka Hiiraan ay ka jirto baahi Ciidan,isla markaana aysan ogolaaneyn in Ciidamadaas la qaado.

Like it? Share it!

Leave A Response