Taliye ka tirsan Ciidanka Somaliland oo dagaal lagu dilay

by admin | Monday, Sep 27, 2021 | 231 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Xudun ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal ka dhacay halkaasi lagu dilay Taliyihii Ciidamada Somaliland ee degmadaas.

Taliyaha ayaa waxaa uu ku dhintay  dagaal Ciidamada Somaliland iyo rag hubrysan oo la sheegay inay ka Ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya ku dhex-maray degmada Xudun.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dagaalka ay sidoo kale ku dhaawacmeen askar kale oo ka tirsan Ciidamada Somaliland, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka degmada Xudun.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Xudun ayaa waxaa ay sheegauaan in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dableeydii hubeysneyd halka kuwo kale ay baxsadeen.

Like it? Share it!

Leave A Response