Taliye ku geeriyooday Israsaaseyn ka dhacday Muqdisho

by admin | Friday, Oct 18, 2019 | 32 views

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa  isku rasaaseeyey Agagaarka Hotel Naasahablood,waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maxaadeey Saleebaan Taliyihii Ururka Gorgor ee Kumaandooska Ciidanka Xoogga dalka iyo Mid ka mid ah Ilaaladiisa ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen israsaaseynta.

Maxaadeey ayaa Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ugu geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Israsaaseynta labada dhinac.

Maxaadey ayaa ahaa Sarkaal Firfircoon oo ka mid ah Ciidanka ka howlgalla Shabeellaha Hoose ee ay tababartay dowladda Turkiga.

Like it? Share it!

Leave A Response