Taliye loo Magacaabey Nabadsugida Gobolka Banaadir

by admin | Monday, Apr 6, 2020 | 552 views

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa Magacaabey taliyaha Hay’adda NISA ee Gobolka Banaadir,kaas oo loo Magacaabey Yaasiin Farey.

Xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa waxaa si KMg ah u haayey Ciise Maxamed Ciise,akdib markii xilkaas laag qaadey Ibraahim Macalin.

Taliyaha Cusub ee Nabadsugida gobolkan Banaadir Yaasiin Fareey oo ah Dhalinyaro ayaa la soo shaqeeyay taliyeyaashii soo marey Nabadsugida Gobolka Banaadir,waxaana uu sidoo kale ahaa Madaxa ilaalada Taliyaha NISA.

Saddexdii sane ee la soo dhaafey ee Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa Nabadsugida gobolka Banaadir ku dhacay isbedelo badan,iyada oo ay soo mareen saddex Taliye.

Like it? Share it!

Leave A Response