Taliyihii Ammaanka degaanka Ceelasha Biyaha oo la dilay

by admin | Sunday, Apr 8, 2018 | 1066 views

Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen in dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho taliyihii ciidamada ee degankaasi.

Waxaa ay sidoo kale sheegteen  in ay ku dileen Weerar Gaadmo ah, islamarkaana ay ka qaateen Gaari uu watay sidoo kalena ay dileen mid ka mid ah Ilaaladiisa.

Ninkii ay sheegteen Shabaab in ay dileen ayaa lagu Magacaabi jiray Col.Mustafa Beer Dilaacshe.

Qaar ka mid ah dadka kunool degaanka Ceelasha Biyaha ayaa u xaqiijiyay  warbaahinta  in xalay labo ruux lagu dilay degaankaasi, kuwaasoo ahaa Askar laakiin aan la ogeyn cidda ay ka tirsanaayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response