Taliyihii NISA ee Gedo oo qarax lagu dilay

by admin | Friday, Dec 9, 2022 | 232 views

Taliyihii NISA ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan Bakaal Kooke, ayaa lagu qarxiyay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka.

Bakaal Kooke, ayaa la sheegay in Qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay tuulada Suul-alle oo 5 KM u jirta Luuq.

Bakaal ayaa ahaa taliyaha gacanta ku hayay ammaanka gobolka Gedo labadii sano ee lasoo dhaafay .

Waxaa uu ahaa nin awood badan oo maamulka Jubbaland muddo dheer u diidannaa in uu ka howlgallo gobolka Gedo, taa badalkeeda dowladda dhexe ayuu toos uga amar qaadan jiray maamulkiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response