Tallaabo laga qaadayo Cabdi Maxamuud Cumar iyo asxaabtiisa

by admin | Sunday, Aug 26, 2018 | 1053 views

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay waxa laga yeelayo madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida  Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar.

Abiy Ahmed oo Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in dowladda ay qorsheynayso in ay tilaabo ka qaado Cabdi Maxamuud Cumar iyo Mas’uuliyiintii lasoo shaqeysay.

Waxaa uu tilmaamay in dhibaato badan ay geysteen, islamarkaana ay dowladda qorsheysay in Cabdi Maxamuud Cumar iyo Kooxdiisa laga qaado tilaabo waxgal ah oo looga samri karo dhibkii dhacay.

Hase yeeshee Abiy Ahmed ayaan cadeyn tallaabooyinka laga qaadayo madaxdaas nooca uu noqonayo waxana uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in mudadii uu talada hayay in  isbedel dhinaca siyaasada iyo dhaqaalahaba la gaaray tan iyo markii uu maamulka la wareegay.

Abiy Axmed ayaa yiri  “Tallaabo ayaa laga qaadayaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo asxaabtiisa”

Dowladda Itoobiya ayaa horraantii Bishaan xoog xilka uga qaaday Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana la sheegay in uu xabsi guri ku yahay Magaalada Addis Ababa.

Like it? Share it!

Leave A Response