Talyaaniga oo la laabtay mashruuc ay soo dalban weysay Somalia

by admin | Tuesday, Nov 19, 2019 | 636 views

Dalka Talyaaniga ayaa dib ula noqdey dhaqaale 6 Milyan oo dollar ah oo loogu talagaley in lagu dhiso biyo xireen laga hirgaliyo magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Dowladda Talyaani ayaa sheegtey in markii muddo sannad ah ay ka warsugaysay in loo soo gudbiyo mashruuca nooca uu noqonayo, kana war sugaysay dowladda Soomaaliya ay dib ula laabatey lacagtaasi.

Biyo Xireenka oo la hirgaliyo ayaa ka hortagi kari lahaa fataahado iyo masiibo ka dhacdo gobolkasi inkastoo la sheegay in dhismihiisu qaadan lahaa laba sano.

Like it? Share it!

Leave A Response