Talyaaniga oo Masar kala shaqeynaya wax ka qabashada Tahriibayaasha.

by admin | Monday, Jan 23, 2023 | 211 views

Dowladda Talyaaniga ayaa dhiggeeda Jamhuuriyadda Carabta Masar kala hadashay xal u helista qulqulka tahriibayasha Afrika ee dalkaas u taga sidii ay uga sii gudbi lahaayeen waddamada kale ee Qaaradda Yurub.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani oo Magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar Sameh Shoukry ayaa la wadaagay in Labadaan Dowlad ay iska kaashadaan tahriibayaasha sida sharci darrada ah ku gala dalkaas.

Antonio Tajani ayaa sheegay in xaaladda nidaam darro ee ka jirta Liibiya oo deris la ah Masar ay kordhisay tahriibayaasha sida ugu habboon ee looga hortagi karo ama lagu yareyn karo ayuu ku tilmaamay in iskaashi ay sameeyeen saddexdaan Dowlad.

Inkasta oo Jamhuuriyadda Carabta Masar dagaal adag la gashay Tahriibayaasha ka baxa xeebaha Dalkaas balse kama dhigna in 100% la muujin karo in guud ahaan lasoo afjaray tahriibka oo weli meelo kamid ah dalkaas ayaa si qarsoodi ah looga baxaa.

Liibiya oo dhacda Waqooyiga Afrika waa marinka ugu weyn ee Tahriibayaasha ka baxaan iyaga oo mara Badda Mediterranean si ay u gaaraan Talyaaniga oo ay uga sii gudbayaan waddamada kale ee Qaaradda Yurub.

Safarka Badda ee Tahriibayaasha waxa ay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan sida in ay naftooda ku waayaan, cunno & biyo la’aan ku dhacda, mararka qaar safarkooda oo dheerada iyo in ay jihadu ka qaldanto.

Like it? Share it!

Leave A Response