Tigrayga dalka Itoobiya oo eedeyn culus u jeediyey danjiraha USA ee Somalia

by admin | Thursday, Dec 20, 2018 | 781 views

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donalt Yomomoto ayaa lagu eedeeyey inuu doorweyn ku lahaa magacaabista ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, taasi oo awooddii maamulka dalkaas ka bixisay gacanta Igrayga.

Saraakiishii hore ee maamulka Tikreega ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay iyaga ka dambeeyeen in talada dalka Ethiopia loo gacan geliyo Abiy Axmed oo Qowmiyadda Oromada kasoo jeeda.

Sarkaal howlgab ah oo ka mid ahaa Maamulkii hore ee Ethiopia una dhashay Qowmiyadda Tigreeda ayaa si cad u sheegay in Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya uu shaqsi ahaan ka dambeeyay magacaabista Dr Abiy Axmed.

Sebaht Nega oo ah sarkaalka howlgabka ah ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ku yimid rabitaanka Mareykanka, islamarkaana uu ka shaqeynayo danahooda, sida uu hadalka u dhigay.

Safaaradda Mareykanka ee Adis ababa ayaa ka jawaabtay hadalkaasi waxaa Afhayeen u hadlay uu beeniyay sheegashada sarkaalka Tigreega ah, waxaana uu intaas ku daray in Mareykanka uu ilaalinayo madaxbanaanida dalalka Caalamka.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ethiopia, Berekt Simoen, ayaa isaguna Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki, ku eedeeyay in uu faraha kula jiro arrimaha gudaha Itoobiya,waxaana uu tusaale u soo qaatay hadal uu dhawaan jeediyay oo ay ka mid ahayd “Ciyaartii Tigreega waa dhamaatay”.

Like it? Share it!

Leave A Response