TikTok oo ka baxeysa Hong Kong

by admin | Tuesday, Jul 7, 2020 | 438 views

TikTok ayaa ka bixi doona suuqa Hong Kong maalmo gudahood sidda uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay  TikTok.

Waxaa sidoo kale jira in shirkadaha kale ee teknolojiyadda ah ee ay ka mid yihiin Facebook, Google iyo Twitter ay joojinayaan habsami u socodka codsiyada dowladda ee xogta isticmaala ee gobolka.

Barnaamijka muuqaalka fiidiyowga ah ee qaabkiisu gaaban yahay oo ay leedahay shirkadda laga leeyahay dalka Shiinaha ee loo yaqaan ‘ByteDance’ ayaa go’aan ku gaadhay in uu isaga baxo gobolka Hong Kong  ee Shiinaha ka go’ay.

“ Waxaan go’aansanay in aan iskaga baxno Hong Kong sababo la xariira Sharciga Amniga Qaranka Shiinaha oo sameyn nagu yeeshay”

Toddobaadkii hore, baarlamaanka Shiinaha wuxuu meel mariyey sharciyo cusub oo amniga qaranka ah oo xayiraad badan kusoo rogaya Hong Kong.

Like it? Share it!

Leave A Response