Tirada xarumaha gaarka ah iyo kuwa DF ee Al-Shabaab ay joojiyeen dhismayaashooda?

by admin | Wednesday, Sep 11, 2019 | 571 views

Sheeko cusub ma’ahn in Al-Shabaab ay lacago canshuur ah ka qaataan dhamaan dhismooyinka magaalada Muqdisho iyo adeegyada kale ee ganacsi ee ka jira Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka balse waxaa layaab noqday in Al-Shabaab dhismo ka joojiyaan dowladda Soomaaliya.Dad badan ayaa ku baraarugsaneen in Al-Shabaab ay hore ugu guuleesteen joojinta dhismayaal ku socday goobo ganacsi oo gaar loo leeyahay iyo dhismiyaal dowladeed.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay muddo dheer ka hor joojiyeen dhismiyaal hotel iyo ganacsi kale, iyo ilaa xarun oo kale oo ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab waxay joojiyeen dhismo ka socday isgoyska Jubba, kuna dhaggan hotel Dorbin oo isagana qorrax ka soo bax kasii xiga xarunta ugu wayn ee NISA, sidoo kalane ku dhaggan aqalka golaha senate-ka Soomaaliya (Aqalka Sare). Dhismahaan ayaa waxaa la sheegay in loo dhisayay dhowr wasaaradood oo katirsan xukuumadda Soomaaliya, sida gaadiidka iyo caafimaadka oo ku soo guuri laheyd, mana bilaaban ilaa hadda dhismahaas oo muddo hakad ku jira.

Like it? Share it!

Leave A Response