Tiradda Dadka uu ku dhacay Cudurka Corona virus oo gaartay 20 Milyan

by admin | Tuesday, Aug 11, 2020 | 384 views

Kiisaska coronavirus-ka adduunka waxay kor dhaafeen 20 milyan sidda lagu shaaciyay Warbixintii ugu dambeysay.

Jaamacada Johns Hopkins oo soo bandhigtay xogtii ugu dambeysay ee Cudurka ayaa sheegtay In kabadan 12.2 milyan ay ka bogsadeen Cudurka halka ku dhawaad ​​735,000 ay u dhinteen Cudurka Corona virus.

Brazil, Mexico waxay soo wariyeen 27,000 kiis oo cusub oo ah COVID-19, waxaana ay sheegeen in ay sii kordheyso kiisaska Corona maalinba maalinta ka dambeysa.

Hindiya waxay diiwaangelisay in ka badan 2.2 milyan oo ah infekshannada – waana tirada saddexaad ee ugu sarreysa kiisaska ku xiga Mareykanka iyo Brazil.

Like it? Share it!

Leave A Response