TPLF oo sheegtay in keliya hubka ay dhigeyso marka la damaanad-qaado ammaanka Shacabka Tigray.

by admin | Tuesday, Nov 22, 2022 | 230 views

Hoggaanka sare ee TPLF ayaa sheegay in keliya hubka ay dhigi karaan marka si rasmi ah loo damaanad qaado in ammaanka Dadka dega Gobolka dhaca Waqooyiga Itoobiya ee Tigray sida hadalka ay u dhigeen.

TPLF ayaa sheegtay in ay difaac u tahay Shacabka sidaas awgeed si loo dhaqangeliyo heshiisyadii ka dhacay Koofur Afrika & Kenya loo baahan yahay in damaanad-qaad buuxda loo helo amniga Gobolka Tigray.

Waxa ay ka meermeereen in ay caqabad ku yihiin horumarka laga gaaray wadahadalka lagu go’aamiyay in lagu soo afjaro colaadda Itoobiya ka socota 2da Sano ee salkeedu yahay muran ka dhashay Doorashada Dalkaas ee dib loo dhigay.

Dagaalka Itoobiya ee Dowladda Federaalka & Ismaamulka Tigray dhexmaray waxaa barbar socda dagaallo kale oo ka dhaxeeya Qowmiyadaha (Ismaamullada) oo sababay dhimasho, dhaawac & Barakac boqolaal ruux ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dhowaan ka hadlay heshiiska Xukuumaddiisa ay la gashay Tigray waxa uu ku sheegay in dhaqangalkiisa uu yahay horumar nabadeed & in lasoo afjaro dagaalka waqti dheeraaday ee dalkaas ka dhacay.

Like it? Share it!

Leave A Response