Trump: S. Careebiya Dambi ma leh illaa la Xaqiijiyo

by admin | Wednesday, Oct 17, 2018 | 861 views

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaliilay eedeynta soo kordheysa ee loo jeedinayo dalka Sacuudi Carabiya ee ku aaddan wariyihii la waayey ee Jamal Khashoggi. Madaxweynaha oo wareysi siiyey wakaalada wararka ee Associate Press shaley ayaa sheegay in aadan danbiile ahayn, illaa dambi lagugu helo, isaga oo u duurxulayo dadka Sucuudiga eedda loo jeedinayo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa arrinta Sucuudiga loogu eedeynayo wariyihi boqortooyada mucaaradka ku ahaa ee la waayey 2-di bishan ka dib marki uu galey qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul Turki, waxa uu barbardhigey eedeymihii isku-deyga kufsi ee lagu soo eedeyey garsoorihi uu isagu u xuley maxkamada sare ee Mareykanka, Brett Kavanuagh oo warbaahinta caalamka mudo haysatey.

Wareysigan ayaa la siidayey ka dib marki uu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Mareykanka, Mike Pompe uu la kulmey boqorka Sucuudi Carabiya, Salman ibnu Cabdicasiis iyo dhaxalsugaha, Maxamed Bin Salman.

Wasiirka ayaa madaxda Sucuudiga kala hadlayey arrinta Jamal Khashoggi.

Like it? Share it!

Leave A Response