Trump “Toogasho dhab ah ayaa dhacday”

by admin | Tuesday, Aug 11, 2020 | 400 views

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si deg deg ah looga kaxeeyey shir jaraa’id oo uu Aqalka Cad ku qabanayey Isniintii kadib toogasho ka dhacday meel u dhow Aqalka Cad.

Dhowr daqiiqo kadib markii uu kusoo laabtay qolka shirka jaraa’id ayaa Trump waxa uu yiri “Toogasho dhab ah ayaa dhacday, qof ayaana isbitalka loo qaaday.”

Tom Sullivan oo ah madaxa qeybta dareeska xirata ee ciidamada ilaalada madaxda ee Secret Service ayaa sheegay in qofka la toogtay uu ahaa 51 jir kusoo dhowaaday sarkaal ka tirsan ilaalada Aqalka Cad, islamarkaana uu watay hub.

“Tuhmanaha ayaa kadib soo jeestay kuna soo cararay sarkaalka, wuxuuna dharkiisa kala soo bax walxo,” ayuu yiri Sullivan oo intaas ku daray “kadibna jilbaha ayuu dhigtay sida qof wax toogan raba, kadibna sarkaalkii Secret Service-ka ayaa toogtay.”

Sullivan ma bixin faah-faahin intaas dheer, mana cadda illaa hadda in qofka la toogtay uu xaqiiqdii haystay hub, iyo haddii uu riday.

Toogashada ayaa ka dhacday waddada 17-aad oo u dhow waddada Aqalka Cad uu saaran yahay ee Pennsylvania Avenue.

Weriye ku sugnaa qolka shirka jaraa’id ee Aqalka Cad ayaa xaqiijiyey inuu maqlay ugu yaraan laba xabad.

Like it? Share it!

Leave A Response