TURKIGA OO XIR XIRAY SOO GALOOTI AY SOOMAALI KA MID TAHAY

by admin | Tuesday, Oct 16, 2018 | 842 views

Ciidamada Sohdimaha Dalka Turkiga ayaa waxa ay xabsiga dhigeen 170 qof oo ka soo jeeda dalal kala duwan kuwaas oo qaab sharci darro ah ku galay gudaha Dalka Turkiga.

Ciidanka Amaanka ayaa Magaalada Didim ee Gobolka Aegean Aydin,waxaa ay ku qabteen 104 qof oo soo galooti ah.

Inta badan dadkan waxaa ay u dhasheen Waddamada Ciraaq, Falastiin, Syria, Soomaaliya, Bengaladesh iyo Afghanistan,waxaana ku jira Haween iyo Carruur.

Warbixin ay soo saareen Ciidanka ayey ku sheegeen in dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen dad gaaraya 735 oo qof oo Tahriibayaal ah.

todobaadkii la soo dhaafay labo shil Gaari oo ka dhacay Turkiga ayaa waxaa ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 30 qof oo Tahriibayaal ahaa.

Saraakiisha Xuduudaha waxaa ay sheegeen in howlgallada todobaadyadii la soo dhaafay socday waxaa lagu qabtay dad u kala dhashay dalalka kala ah; Pakistan, Iraq, Afghanistan, Somalia, Libya, Bangladesh, Algeria, Egypt, Palestine, iyo  Morocco

Like it? Share it!

Leave A Response