Ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen kadib baabuur nooca loo yaqaan Caasiga oo qarax miino lagula eegtay jidka u dhexeeya magaalooyinka Afmadow iyo Dhooble ee Gobolka Jubbada Hoose maanta.

by admin | Monday, Feb 3, 2020 | 535 views

Dagaal beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo oo maalmihii dhowaa ka socday duleedka magaalada  Kismaayo, ayaa lagu soo warramayaa inuu sii xoogeystay islamarkaana ay dad badan ku dhinteen.

Dagaalkan oo u dhaxeeya beelaha Majeerteen iyo Cawrmale ayaa salka ku haya deegaan lahaanshihiisa lagu murasan yahay, wuxuuna xooggiisa ka socdaa tuulada Sanguuni oo 60km u jirta Kismaayo.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray dagaalka ayaa sheegaya in illaa iyo hadda ay ku dhinteen dad gaaraya 20 qof, halka tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa badankood ah dhinacyada dagaalamaya, sida aan xogta ku helnay.

Dagaalka ayaa sidoo kale kusii baahaya deegaano hore leh, mana jirto illaa iyo hadda cid ku guuleysatay inay joojiso.

Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay dhowaan ciidamo u diraan deegaanada dagaalka uu ka socdo, balse weli kuma guuleysan inay joojiyaan dagaalka.

Sidoo kale, dadaallo ay odayaasha labada beel ka sameeyeen magaalada Kismaayo ayaan weli miro-dhalin.

Like it? Share it!

Leave A Response