Ujeedka Safarka Madaxweyne Mustafe cagjar ku tegay Hargeysa{Akhriso:- }

by admin | Thursday, Feb 28, 2019 | 885 views

MadaxweynahaDowlad Deegaanka  Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo xalay gaaray Magalada Hargeysa ayaa lgu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Mustafe cagjar ayaa ka hor kulanka muuse Biixi waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo munaasabad xariga looga jarayo wadada isku-xirta magaalooyinka Berbera iyo Wajaale tas oo loogu Magac daray (Berbera Corridor).

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo xalay Saxafada kula hadlayay Magalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Wafdiga Madaxweynaha dowlad deegaanka ay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi,sidoo kale uu booqan doono Magaalooyinka Soomaaliland.

Waa kulankii labaad oo ay wada yeelan doonaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar,waxaana ay horay ugu kulmeen magaalo-xuduudeedka Wajaale, gaar ahaan dhinaca Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response