Umad waliba waxay leedahay taariikh ay ku faanto iyo munaasabado ku dheer oo lama ilaawaan ah, kuwaasoo la xuso lagana sheekeeyo halgamadii iyo maalin waliba waxay wanaag iyo tiiraanyo umada u leedahay. {Daawo

by admin | Sunday, Jul 1, 2018 | 1049 views

Umad waliba waxay leedahay taariikh ay ku faanto iyo munaasabado ku dheer oo lama ilaawaan ah, kuwaasoo la xuso lagana sheekeeyo halgamadii iyo maalin waliba waxay wanaag iyo tiiraanyo umada u leedahay. Maalmahahaas ayaa waxa ka mid ah maalin qaran, mid qoys iyo mid shakhsiyadeed oo midba mudnaanteeda loo xuso, taasoo mudan in mid walba mudnaanteeda la siiyo oo xuskaas la xusayaa uu noqdaa mid lagu xusayo muxaadarooyin diini ah iyo in laga sheekeeyo wixii wanaagsan.

Hadaba maanta oo ah 1da Luuliyo sanadka 2018 oo ah maalin taariikhi ah,isla markaana xusuus dheer mudun,ahna maalintii la heley dawlad soomaali ah ee ugu horeysey ee dad Soomaaliyeed oo xor ah Maamulaan,isla markaana la laabay calankii gumaysiga,laguna bedelay mid Soomaali leedahay.

 

1-dii Luulyo 1960 waa maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeysigii talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobolada waqooyi, halkaasna ay ku curatey Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo 26 Juun oo iyana ahayd maalin taariikh iyo xusuus dheer mudun 26 Juun waa maalintii ugu horeysey ee ciida amase gayiga soomaaliya laga taago calanka quruxda badan ee uu alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale Liibaan eebe naxarisitii jano ha ka waraabiyee.

Waxaana halkaasi gabey qiiraanyo leh calanka u tiriyay abwaanka caanka ah ee Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid ahaa maansaddii uu habeenkaas tiriyey ee ay ka mid ahaayeen ereyada ah: “SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW, AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB KANA SAAR” oo uu ula jeedey in calankii gumaystaha meesha laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd maalintaas dhamaanba bulsho weynta soomaaliyeed waxayna maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey ee ingiriiska.iyo talyaaniga waxaanse shaki ku jirin in caalamka dadka ku nool qolo walib ay marba heer soo martey taariikh iyo waayo kala duwan.

Waa maalintii xornimada laga helay gumeystihii saancaddaalaha ahaa oo buluugley ay dabeyluhu ka lulayeen daaraha dushooda.Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal dawlad ah yeesheen oo horey u ahaa “British Somali land” iyo “Italian Somali Land”.

Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran.Waa maalintii aan ku heesnay “Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.”

Sooyaalka Taariikhda Halganka Soomaaliyeed

Halgankii ummadda Soomaaliyeed ee ay hogaanka u soo hayeen gobonimo doonkii Soomaaliyeed Taariikh ahaan wixii ka horreeyay qarnigii 18-aad inta ayan bilaaban duulaankii dhulka Soomaalida lagu qeybsaday, Soomaalida waxay dhaqan iyo dhaqaalo ahaanba aad ugu xirnaayeen caalamka Islaamka, gaar ahaa dhulalka xeebaha ku teedsan ee Banaadir, Kismaayo, Berbera & Bandar qaasim. “Boosaaso” Qeybintii dhulka Soomaalida ka dib waxaa abuurmay nidaamyo ku cusub bulshada Soomaalida kana duwan xeerarkii & shuruucdii ay ku dhaqmi jireen dadka Soomaaliyeed.

Waxaana aad u yaraaday xiriirkii ay Soomaalida la lahaayeen dalalkii Islaamka, iyadoo meelo badan oo ka tirsan dhulalka Soomaalida ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo maamulkii soo galootiga ahaa ee gumeystaha.

Dhaqdhaqaaqyadii ugu caansanaa ee lagaga soo horjeeday gumeystaha waxay ahaayeen kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” sida la ogsoonyahayna ahaa halgankii Soomaaliyeed kan ugu caansanaa ahna,halgamadii uu ugu horreeyey ee lagaga soo horjeedey gumeystaha .

Axmad Garaad Ibraahim “Axmad Guray “oo halgankiisu bilowday 1528 dhammaadayna 1543. Axmad Gureey waxaa usuuro gashay in uu jabiyo aabihii boqortooyadii Xabashida uuna gacanta ku dhigo Xaruntoodii Xabashidu waxaay ka fursanwayday in aay u yeerato ciidamo shisheeye oo daafaca.

Halganki Axmad Guray waxaa ku xigay kii halgankii Daraawiishta oo 21-sanadood dagaal ay ku naf waayen kumanaan mujaahidiin ah,ayna ku barakaceen in ka badan dadkii Soomaaliyeed ee ku noolaa gobolada Waqooyiga, khaas ahaan goboladii xarunta u ahayd Daraawiishta waxaa hogaaminayey halyeeygii Sayid Maxamad Cabdulle Xassan, waxaana daraawiishtu halgan wayn ay kula jirtey gumeystihii ingiriisak muddo ka badan labaatan sano.

Markii Ciidamadii badda iyo kuwii berriguba ka huleeleen darawiishta waxaa Ingiriisku goáan ku gaaray sanadkii 1919-kii in uu xagga cirka ka weeraro ciidamada Daraawiishta, qorshahaas oo ingiriisku fuliyey 21-kii jannaayo 1920-kii maalintaas oo aay xarumihii Sayidka ee Taleex aay soo weerareen dayuuradihii dagaalka ee Ingiriiska oo noocoodu lagu sheegey inay ahayeen DH9.

Sida taariikhdu qorayso ugu danbeyntiina Halganka Daraawiishta ayaa halkaas ku jabey, kadibna Sayid Maxamed Cabdille Xassan iyo daraawiish wixii ka hadhay ay u baxeen xagaa iyo koonfur waxaa la sheegaa in Sayid Maxamad Cabdille Xassan ku geeriyooday degmada Iimeeyey 23-dii November 1921-dii.

Tix Kamid ah Gabayadii Saydka ee Guubaabaad ahaa
Anaa diiday dagal in aan la galo daalin ii col ahe
Dalka malihid anigaa ku iri dooraweeynaha eh
Anaa diiday nabaddiisa aan daacad noqonayne
Anaa diiday Deeqdiida aay Naari dabataale
Anaa diiday maantuu laha duunyo iga hooye
markay duusho Gaaladu anaan daabaddu qabane
Kolka aay dareeraan anaan duul xammaal noqone
Diintayda anigaan ku gaadn dabakhi Naareede
Anaan labada Daarood tan hore darajo moodayne

Dardaarankii uu Sayid Maxamed ka tagay:
Dabin buu idiin qolayaa waydin dagayaaye
Dirhamkuu idiin qubahayaad dib u goáaysaane
marka hore dabkuu idinka dhigin dumar sidiisiiye
Marka xigana dabbakhaada waa idin dareensiine
marka xiga dushuu idin kararin sida dameeraha eh
Marka xiga dalkuu idin ku oran duunyo dhaafsada eh
Mar haddaan Dushii Adari iyo Iimey dacal dhaafay
waxaad iga dambaysaanba waa deyrta maanta ahe
maxaad igaga digataan berribuu siin lasoo degiye

Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo dhiigooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ah halgamaa Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa halgamayaashii gobannimada Soomaaliya ka soo hooyey gumeysiga, wuxuuna caan ka yahay dhamaan gudaha Somaliya.

Waxuuna Caan ku ahaa uuna sameeyey calanka Soomaalida 1954-kii, siiyeyna micnaha qotada iyo xeesha dheer leh ee calanka Somalidu xambaarsan yahayay. Kaas oo ah:

1-Xiddigta cad ee shanta gees leh: Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.

2-Midabka buluugga khafiifka ah : Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay

Calanka Soomaaliyeed waxaa markii ugu horreysay Taariikhda la saaray 12-kii Oktoobar 1954-tii isaga oo ka dhex babaday calamadii Talyaaniga iyo Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa.

Iyadoo halgamadaas ujeedadoodu aheyd sidii dib loogu celin lahaa dhulyowgii dadka Soomaaliyeed ee gumeystuhu wadaagay ama qeybsaday. Horraantii sanadkii 1940-kii waxaa qeybo badan oo dhulka Soomaalida ee gacanta u galay gumeysigii dalka qabsaday ka bilowday dhaqdhaqaaqyo tiro dhaafay.

Sidoo kale Waxaa iyaguna la xusi karaa Dagaalkii Siyaasiga ahaa oo gumaysiga looga soo horjeeday waxaa majaraha u hayey xisbiga SYL oo dhidibada loo aasay 15-kii May 1943.

Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaa waxaa ugu waynaa ereyga hannoolaato oo micnaheedu ahaa waa in qofku naftiisa u huraa sidii uu aayatiin iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa jiilka ka dambeeya.

Saddex iyo Tobankaas Dhalinyaro waxaay kala ahaayeen

1.Yaasiin Xaaji Cusmaan
2. Cabdulqaadir Sakhaawuddiin
3. Cusmaan Geddi Raage
4. Maxamad Faarax Hilowle
5. Maxamad Cusmaan
6. Maxamad Xirsi Nuur
7. Daahir Xaaji Cusmaan
8. Xaaji Maxamad Xusseen
9. Cali Xassan Maslax
10. Maxamad Cabdulle Xassan
11. Maxamad Cali Nuur
12. Dheere Xaaji Dheere
13. Khaliif Hudda macalin

13 – kaas dhalinyaro fikraddii waddaninmo oo aay keeneen waxaay noqotay mid lagu liibaanay xaqiijisayna midnimadii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed, waxaana halgankii SYL mirihiisii la gurtay 1960-kii markii 1dii Luulyo aay qarannimada qaadatay Koonfurta Soomaaliya aayna la midowday waqooyiga Soomaaliya oo iyana ka xorowday Ingiriiska 26-dii Juun 1960-kii waxaana dhalatay markii taariikhda ugu horreysay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaase nasiib daro noqotay in Daraawiish iyo dadkii taageersanaaba aanay ka helin wax abaal ah dawladihii Soomaaliyeed ee xoriyada ka dib awooda qabtay.

Maalintaas qiimaha badan waxey dadka Soomaaliyeed xasuusineysaa abayaashii Soomaaliyeed oo dhiigooda iyo naftooda u huray iney dhisaan dal Soomaaliyeed oo madaxbanaan, kaas oo dadkiisa ugu adeega si gobonimo leh.

Aabayaashii u soo halgamay dhismaha iyo jiritaanka Qaranimada Soomaaliyeed waxey dagaal siyaasadeed oo ka culus kii gumeystaha reer Yurub ay gaashaanka ugu dhigeen Cadowga Xabashida.

Waxaa Xusid mudan in maalintaas ay ku noqotay Xabashida xidig ku soo baxday oo ay dabooliweysey.

Dadka Soomaalida ah waxaa lagu tilmaami jiray taariikhda in aay yihiin dad wax iska caabiyeen gumeeystayaasha reer Yurub oo uu ugu soo horreeyey Burtuqiisku muddo qarni ka badan.

Geesiyaal badan ayaa naftoodii qaaliga ahayd u huray dhiigoodiina u daadshay difaaca dalka hooyo, hasayeeshe nasiib darro in halyeeyadaas magacyadoodii aan qaar badan oo kamid ah la diiwaangalin, hasayeeshe ummaddu illoobimayso ciddii usoo halgantay camuuduna ma diimoona ciddii dhibic dhiig ah u qubtay.1da luuliyo waa maalin qadarinteeda iyo xasuusteeda mudan aysana ilaawi doonin bulsha weynta soomaaliyeed ay ku dheehan tahay waxa la yiraahdo wadaniyada, waa maalintii ay xoroobeen gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana isla maalintii iyo midowgii gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ay ka xoroobeen gumaysigii cadaa ee talyaaniga iyo ingriiska talyaanigu waxa uu gumaysan jirey gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya ingiriiskuna waxa uu gumayste ka ahaa gobolada waqooyiga soomaaliya waana maalintii ugu horeysey ee uu gumaysigii cadaa ee talyaanigu uu ka guuro gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana israacii iyo midowgii Soomaaliweyn.

Xiligaasi waxaa la doortey madaxweyne waxaa loo doortey Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) oo isugu bishan June ee sanadkii hore 2007 ku geeriyoodey magaalada Nairobi, Waxaana sidoo kale Ra’iisul Wasaare loo doortay C/rashiid Cali Sharma’arke oo labaduba ka soo jeday goboladii koonfureed, meesha Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Cali Garaad Jaamac oo ahaa odayaashii horkacayey siyaasiyiinta reer Waqooyi ay nasiib u heleen jagooyin wasiiro ah, halkaas oo ay ka bilaabatay wax isu quudhi waa iyo kala sed bursi awoodeed oo kow u noqday Soomaalidii sida walaaltinimada ah isugu soo hilowday.

Si Kastaba ha ahaatee ummada Soomaaliyeed oo in badan ku hamin jirtey in la helo qaran Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Somaliweyn ah, ayaad hada moodaa in ay adag tahay sida lagu heli doono xataa Soomaaliyar, ama labadii qaybood ee isu tegey oo hada leh laba madaxweyne iyo maamul, waxaa maanta lagu qoslaa ninkii ka sheekeeya Somaliweyn,iyadoo halgankii lagu xoreyn lahaa NFD, OGADENIA, ay ka danbaysey in ay maanta intii kaleba ku jiraan gacan gumaysi cusub, oo cadaan iyo madowba leh.

Maantay oo ay 1da Luuliyo tahay waxaa nasiibdarro ah in qarannimadii iyo midnimadii loo soo tiil iyo tacab beelay aay farahayaga si hawlyari ah uga baxday , sharaftii iyo cisigii ay soomaali lahaydna ay manta tahay mid ku dayacan daafaha dunida oo dhan.

Soomaaliya oo ku jirtay 18 sano fawdo iyo majarahabow wallow labadii sano ee ugu danbeyey ay ku jirto gacan cadow oo gumeyste ah, hadana ma jirto rajo dhaw oo muuqata iyo talo suuban oo lagu soo celinayo qarannimadii iyo midnimadii Soomaaliya.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response