UNHCR oo sheegtay in 1Milyan oo qaxooti ah ku suganyihiin Itoobiya

by admin | Monday, Mar 19, 2018 | 1033 views

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa lagu sheegay in 900,000 oo qaxooti ah ay ku noolyihiin Dalka Itoobiya oo xaaladdiisa siyaasadeed aysan fadhiyin.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in Qaxootigaasi ay u badanyihiin Koofurta Suudaan iyo Soomaaliya,waxaa sidoo kale ku jira tiro yar oo ka mid ah Waddamada Eritrea iyo Yemen.
Hay’addu waxaa ay sheegtay in Bishii February ee 2018 kaliya ay Hay’adda xafiiskiida Itoobiya diiwaangeliyay 15,097  oo ah qaxooti cusub.
UNHCR waxaa ay sheegtay in ay horay u dalbatay lacag dhan $335.8 Milyan oo doollarka Mareykanka ah hayeeshee 11% oo lacagtaas ka mida kaliya ay heshay islamarkaana heysato hadda dhaqaale ay Qaxootigaas ku fardaamiso.

Itoobiya waxaa ay safka hore uga jirtaa shanta dal ee Caalamka oo dhan hadda marti gelinaya Qaxootiga ugu badan waxaana ay xubin ka tahay barnaamij ay waddo UNHCR oo wax loogu qabanayo Qaxootig  soomaliya

Like it? Share it!

Leave A Response