Ururka Alshabaab oo Sheegtay inuu si Dirqi ah kaga Baxsaday Masuul Caan ah

by admin | Monday, Dec 24, 2018 | 772 views

Kolonyada uu la socday Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ka baxay magaalada Baladweyne waxa ayna kusii jeedeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.

Al Shabaab ayaa weerar kooban ku qaaday kolanyada gaadiidka uu la socday gudoomiyaha gobolka Hiiraan xili ay marayeen inta u dhaxeysa magaalada Baladweyne iyo degmada Maxaas.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi fuliyeen dagaalyahano katirsan kooxdooda , waxa ayna Al Shabaab sheegeen in uu si dirqi ah ku bad baadeen Yuusuf Dabageed iyo xubno la socday.

Dhinaca kale saraakiil la socotay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in weerar aan cusleyn kala kulmeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab, waxa ayna sheegeen in weerarkan uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo saraakiil la socota ayaa u baxay xalinta dagaal beeleed ka dhacay duleedka degmada Maxaas , waxaana dagaalka halkaasi ka dhacay ka dhashay khasaaro badan oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Like it? Share it!

Leave A Response