URURKA CILMI-BAARAYASHA SOMALIYEED (SRA) OO CILMI-BAARIS KA SAMEYAY DARAWALADA MOOTO BAJAAJTA{AKHRISO}

by admin | Wednesday, Nov 18, 2020 | 392 views

Bajaaj waa gaadiidka ugu caansan magaalada Muqdisho, wuxuu u shaqeeyaa sida tagaasida oo kale. Bajaaj wuxuu ka howlgalayay magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay 2010. Waqtigaan la joogo, waxaa lagu qiyaasaa in ku dhowaad 35 kun oo Bajaaj ’ah ay ka shaqeeyaan magalada Muqdisho.
Hadaba, waxaan halkaan ku soo ban dhigaynaa Cilmi-baaris uu samayay Dr. Shafici Sharif Mohamed madaxa Ururka Cilmi-Baarayaasha Somaliyeed (SRA) Sahankan oo la sameeyay laga soo bilaabo 25 Sebtember – 5 Nofeembar 2020. Jawaab bixiyaasha bartilmaameedku waxay ahaayeen 400 darawal Bajaaj oo si nasiib ah loo xushay.


Natiijada Cilmi-baarista

Sida laga soo xigtay sahanka 60% darawallada Bajaajleyda waxay da’doodu u dhexeysaa 20-25. Waxaa ku xiga afar meelood meel (25%) oo da’doodu u dhexeyso 26-30. Halka kuwa da’dooda u dhaxaysa 31-35, 36-40 ay yihiin (9%, 6%) sida ay isugu xigaan. Darawalada Bajaajta ku dhowaad 100% waa rag.
Lahaanshaha Bajaajka
Ilaa 400 oo darawal oo la daraaseeyay ayaa la weydiiyay inay iyagu yihiin milkiilaha Bajaajka ama ay tahay kiro? 65% ayaa xaqiijiyay inay iyagu yihiin milkiilayaasha. Halka qiyaas ahaan seddex meelood meel (35%) darawallada ay sheegeen inay tahay kiro.
Saacadaha shaqada
Saacadaha shaqada ee la jaangoyay waa 8 saacadood. Si kastaba ha noqotee, Ururka Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed (SRA) wuxuu ogaaday in inta badan wadayaasha Bajaajleyda ay shaqeeyaan in ka badan toban saacadood maalintii, (74%) waxay sheegeen inay shaqeeyaan 10-12 saacadood maalintii, 14% waxay sheegeen inay shaqeeyaan 13-15 saacadood maalintii, kaliya yar (12%) ayaa shegay in ay shaqeyaan (8).

Balwada

Intii lagu guda jiray xog uruurinta, darawallada waxaa la weydiiyay bal inay isticmaalaan ama ay balwad u tahay Khaad ka, Taabuu, sigaar, ama midkoodna? Daraasadu waxay ogaatay in darawalada ugu badan 73% aysan lahayn wax balwad ah halka qiyaastii seddex-meelood meel (27%) sheegeen inay la qabatimeen midkood Khad, Taboo, ama sigaar.


Heerka Waxbarashada

Wadayaasha Bajaajta heerkooda waxbarasho waa uu kala duwan yahay. Sida ku cad natiijooyinka daraasadda, 33% ka mid ah darawalada ayaa leh waxbarashada aasaasiga Dugsiga Hoose, halka kuwa waxbarashada dugsiga sare gaaray ay yihiin 32% waxaa jira arday ka qalin jabisay jaamacadda 22% ka mid ah darawalada oo sheegay inay haystaan shahaadada koowaad. Waxa kale oo jira wadayaal dhalinyaro ah, qiyaastii 13% ayaan shegay in aysan soo marin waxbarashada nidaamiga ah. Xaaladda guurka
Darawalada ayaa la weydiiyay xaaladdooda guur, 60% ayaa ku jawaabey inay xaas leeyihiin, halka 32% ay shegeen in ay yihiin doob 8% kaliya ayaa sheegay iney is gursan.
Daraasadda ayaa sidoo kale baartay in wadayaasha Bajaajtu ay carruur leeyihiin iyo in kale. 15% ka mid ah kuwa ka jawaabey guurka waxay sheegeen inaysan caruur lahayn. Inta guursatay 36% waxay sheegeen inay leeyihiin 1-3 carruur ah. 12% waxay sheegeen inay haystaan in kabadan 3 caruur ah. Halka, 5% ay doorteen inaysan ka jawaabin su’aashan.

Dakhliga

Guud ahaan, 60% darawallada ayaa sheegay in celceliska dakhliga maalin kasta soo galo uu yahay 15-20 USD. Halka 27% sheegeen celcelis ahaan dakhligoodu inuu yahay 20-25 USD halka darawalo tiro yar 13% ay sheegeen inay helaan 26-30 USD. Dawaralada ayaa sheegay in saddex sano ka hor celceliska dakhliga maalintii uu ahaa $ 30-40 maalinti.


Maalin fasax

Jimcaha waa maalin fasax Soomaaliya. Darawalada badankood 63% waxay muujiyeen inaysan shaqeyn jimcaha. Waxaasa jira saddex meelood meel 37% oo sheegay inay shaqeeyaan toddobo maalmood usbuucii. Daraasadu waxay ogaatay in darawalada badankood ee shaqeeya todobo maalmood usbuucii ay yihiin kuwa kireysta Bajaajta.


Xiriirka Shukaansiga

Inta badan darawalada 68% ayaa shegay in ay xirir shukaansi dhex maray dumar soo raacay Bajajta. in rakaabka si fudud loola xiriiro waxaa fududeeyay lacagta elektaroonigga ah sida ay shegeen

darawalada. Kaliya 32% ayaa tilmaamay inaysan xiriir shukaansi la laheyn rakaabkooda maxaa yeelay waxay aad ugu mashquulsan yihiin shaqada mana xiiseeyaan shukaansiga maxaa yeelay waxay leeyihiin xaas.


Ku qanacsanaanta shaqada

Qiyaastii 74% waxay muujiyeen inay ku qanacsan yihiin shaqadooda darawalka Bajaajta. Kaliya 26% ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn. Hase yeeshe, ku qanacsanaanta darawalada shaqooyinkooda uma tarjunto rajo mustaqbalkooda. Qaar waxay dhaheen “Ma hayno shaqo kale; sidaa awgeed waa inaan ku qanacno waxa aan haysanno”.

Nolosha waalidiinta

Wadayaasha Bajaajleyda waxaa la weydiiyay haddii waalidkood ay labaduba nolol yihiin, ma dhinteen mise mid ka mid ah uu nool yahay. 54% waxay sheegeen in labadaba ay nolol yihiin, halka seddex meelood meelna 33% ay shegeen in midkood nool yahay. kaliya 13% ayaa muujiyeen in labada waalidba ay dhinteen.

Maalgalinta Bajajta

In kasta oo ay jiraan Bangiyo badan oo ku xayaysiiya ganacsigooda “maalgalinta”, sahankan ayaa lagu ogaaday in kaliya 19% Bajaj lagu iibiyay amaahda laga helay bangiga. Darawallada ayaa rumeysan in amaahda lacagta bangigu ay adag tahay oo aysan sahlaneyn in la buuxiyo shuruudihiisa. (81%) ayaa sheegay in Bajaajku yahay maalgashi shaqsiyeed ama laga amaahday qoys ama asxaab halkii Bangiga laga amaahsan lahaa.

Cuntada saacadaha shaqada

Guud ahaan, 67% darawalada waxay sheegeen inay cuntada makhaayadaha ka cunaan. Qaarkood waxay yiraahdeen “inaad cuntada dib ugu noqoto guriga waa waqti lumis” qaar kalena waxay yiraahdeen, “waxaad dareemeysaa hurdo haddii aad guriga ku laabatid maalinta badhtankeeda”. Baadhitaanka ayaa lagu ogaaday in 33% ay sheegeen inay guryahooda wax ka cunaan maxaa yeelay waxaa ay liyihiin xaas.

Like it? Share it!

Leave A Response