Ururka saxaafada gobolka Sh/dhexe ayaa dalbaday in lasiidaayo wariye ku xeran degmada balcad.

by admin | Tuesday, Apr 24, 2018 | 1012 views

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa xabsiga u taxaabay weriye Cabdulaahi Maxamed Xasan(Al-Cadaala) oo ka mid ahaa weriyaasha ka howgala degmada Balcad.
Weriye Al-Cadaala ayaa la sheegay in xarigiisa uu ka dambeeyay amar uu bixiyay guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Furdug iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa xariga weriye Cabdulaahi Al-Cadaala.

Cabdulaahi Maxamed Xasan Alcadaala ayaa wakiil wareed u ahaa taleefishinka SomNews sidoo kale waxa uu weriye Cadaala uu ahaa tifatiraha Radio Balcad oo dhowaan ay bililiqeysteen ururka Al-Shabaab.

Ururka saxaafada gobolka Sh/dhexe oo ka hadlay xariga saxaafada ayaa ka dalbaday maamulka degmada Balcad in shuruud la’aan uu ku sii daayo weriyaha loona oggolaado in howlihiisa shaqo uu qabsado.

“Ma aha wax la aqbali karo in weriye howlihiisa si caadi ah ugu gudo jira in xabsiga la dhigo iyadoo aan la sheegin qalad ama dambi uu sameeyay.”ayuu yiri guddoomiyah ururka saxafiyiinta Sh/dhexe Maxamed Abuukar Caseyr oo u waramayay shabakada warbaahinta jowhar.com.

Xariga weriyaasha oo shaqadoodu ay tahay in ay u soo bandhigaan shacabka Soomaaliyeed wixii akhbaaraad ah ayaa maamulada ka jira dalka marka ay u arkaan inuu ka horimanayo danahooda ay xabsiga dhigaan iyadoo aan wax maxkamad ah la horkeenin.

Like it? Share it!

Leave A Response