Ururka Saxafiyiinta Sh/dhexe oo maanta doortay hoggaan cusub

by admin | Tuesday, Jan 21, 2020 | 599 views

Ururka Saxafiyiinta gobolka Sh/dhexe ayaa maanta doortay hoggaan cusub kadib doorasho ka dhacday maanta magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Doorashadan oo ay ka qeybgaleen saxafiyiinta degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa waxa ay guddoomiye u doorteen Ibraahin Cali Nuur,guddoomiye ku xigeen waxaa loo doortay Maxamed Ibraahim Jimcaale halka xoghayaha guud ee ururka loo doortay Maryan Sheekh Cabdi.

Munaasabada gabagabada doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xildhibaan Cismaan Cabdullaahi Dhoore,Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh,duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali,guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar,Agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka Sh/dhexe iyo agaasimayaasha Idaacadaha Radio Jowhar,Radio Asal iyo Radio Heals.

Mas’uuliyiinta ka qeybgashay doorashadan ayaa u hambalyeysay saxafiyiintii ku guuleysatay doorashadan. Iyadoo sidoo kale hoggaanka cusub ee loo doortay ururka saxafiyiinta gobolka Sh/dhexe”Misja”ayaa ballanqaadeen in ay waxbadan ka qaban doonaan sidii loo horumarin lahaa saxaafada gobolka Sh/dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response