Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo deeq lacageed gaarsiiyay Qoyska uu ka tagay Marxuum Wariye Maxamed Sahal Cumar Gacma dheere{sawiro}

by admin | Sunday, Jul 21, 2019 | 797 views

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Abaadir Cabduqaadir Cilmi oo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa deeq lacageed oo gaareysa 2 kun oo doolar gaarsiiyay Qoyska uu ka baxay Marxuuum Gacma Dheere, isaga oo sidoo kale Qoyska la wadaagay tacsida Marxuumka.

Wariyeyaasha Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland ee Xubnaha ka ah FESOJ oo wehlinayay Guddoomiye Abaadir ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin doorka Ururka ee ku aaddan garab istaaga Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

FESOJ waxa ay u taagan tahay difaaca, tayeynta iyo garab istaaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response