Ururo Cambaareeyay tallaabo ay qaaday Soomaaliland

by admin | Tuesday, Jun 18, 2019 | 703 views

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu si adag u canmaaraynayaa talaabadda Somaliland saaka ku xiray labada Telefishan ee kala ah Horyaal TV iyo Eryal, kuwaas oo ay ciidamadda Booliisku saaka la wareegeen Xarumahooda Hargeysa, kuna Amreen inaanay shaqayn karin.

Ururka SOLJA, waxa uu talaabadan u arkaa mid sharci darro ah oo ay xukuumadda Somaliland ugu talogashay si sharciga baalmarsan inay albaabada ugu laabto hay’addo warbaahineed iyo suxufiyiinta ka hawl gashaba.

Awood ku muquuninta iyo gacan ku qaadashada awoodaha Garsoorka ee ay xukuumadda Somaliland ku fulinayso Warbaahinta iyo muwaadiniinta kale waa kuwo mugdi galinaya nidaamka Dimuquraadiyadeed iyo xorriyatul qawl ee Dastuurka Somaliland damaanad qaaday ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Ururka SOLJA.

Ururka SOLJA , waxa uu u arkaa talaabooyinkan soo noq noqonaya ee sharci darrada ah kuwo ka hor imanaya balanqaadkii iyo Codkii ay xukuumadda talada haysaa ku fadhido ee ahaa sharcigaa saraynaya, iyadoo taas bedelkeeda u isticmaalaysa sharci jabin.

Ururka SOLJA, marar badan buu xukuumadda kala taliyey inay nidaamka sharciga ah u marto cabasho kasta oo ay warbaahinta ka qabto, hase yeeshee waxay u muuqataa inay ka door bidayso inay dariiq qaldan mar walba u marto, iyadoo sumcad xumo usoo jiida qaranka.

Talaabadan ay xukuumadda Somaliland ku xiray labada Telefishan waxay noqonaysaa tii sadexaad ee ay muddada ay xilka hayso ku xirto hay’ad warbaahineed, iyadoo noqonaysa dhacdadii 20 aad ee sanadkan gudihiisa ay ku beegsato wariyayaal isla markaana ku xirto hay’addo warbaahineed ayaa sidoo kale lagu yiri Warka SOLJA.

Uruka SOLJA, waxa uu aad uga walaacsan yahay qorshaha ay ka damacsan tahay xukuumadda talada haysaa warbaahinta, iyadoon marnaba xil iska saarin waxbanna aan ka fulin balanqaadyaddii ay hore ugu samaysay.

Ugu danbayntii, ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  ayaa  Soomaaliland  ugu baaqay inay ciidamadda ka dul qaado xarumahaas kana noqoto go’aanka sharci darrada ah ee ay dul dhigtay oo ah mid laf-jab ku ah hanaanka Cadaaladeed ee Dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response