USA: Tiradii ugu badneyd Maalin Gudaheed u geeriyootey COVID 19{AKHRISO}

by admin | Wednesday, Apr 8, 2020 | 535 views

Mareykanka ayaa jabiyay rikoorka dhimashada ugu badan ee coronavirus-ka maalin gudaheed iyadoo 1,736 qof ay geeriyoodeen 24 saac ee lasoo dhaafay.

Waxay tirada guud ee dhimashada dalka Marekanka ka dhigaysa 12,722, sida lagu sheegay xogta jaamacadda Johns Hopkins.

Mareykanka ayaa leh in ka badan 398,000 kiis oo la xaqiijiyay, waana tirada ugu badan adduunka. Kiisaska adduunka ayaa dhaaftay 1.4 milyan.

Si kastaba ha noqotee intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id Madaxweyne Donald Trump wuxuu yiri Mareykanka waxaa laga yaabaa inuu gaaro meesha ugu sarreysa ee dhibaatada Covid 19.

Dhanka kale magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, oo ah halka uu cudurka ka soo ifbaxay, ayaa soo afjartay 11-toddobaad oo xaald xun ay kujireen.

Tirooyinka cusub ee lagu dhawaaqay Talaadadii waxay kuxiran yihiin rikoorkii hore ee 1,344 oo la diiwaan galiyay 4tii April.

Tirada dhimashada ee la diiwaan geliyay 24 saac ee lasoo dhafay ayaa la filayaa inay sare u kacdo iyadoo gobollada qaar aan wali la diiwaan galin tirada guud.

Qoyska heesaaga u dhashay Mareykanka John Prine ayaa xaqiijiyay geeridiisa ka dib dhibaatooyin la xiriira coronavirus oo uu wajahay xanuunkaan.

Prine wuxuu ku dhintay magaalada Nashville Talaadadii isagoo da’diisu ahayd 73 jir. Xaaskiisa ayaa laga helay cudurka ‘coronavirus’

Si kastaba ha noqotee Prine ayaa la dhigay isbitaal bishii hore iyadoo laga helay astaamo badan.

Like it? Share it!

Leave A Response