Waa imisa Saacadaha ugu yar iyo kuwa ugu dheer ee bisha Ramadaan dalalka Carabta, kuwa Islaamka iyo Caalamka ?

by admin | Thursday, Mar 23, 2023 | 281 views

Muslimiinta caalamka ayaa sanad walba is weydiiya tirada saacadaha laga soomo wadamada kala duwan ee Aduunka, maadaama ay ku kala duwan yihiin marka loo eego loolka iyo dhigga iyo halka uu wadanku ku yaallo marka loo eego dhulbaraha,

Hadaba warbixintaan waxaan ku eegaynaa  tirada saacadaha ugu yar iyo saacadaha ugu dheer ee Ramadaanka sanadkaan wadamada caalamka.

Muslimiinta ku nool dalalka Carabta waxay soomi doonaan qiyaastii 15 saacadood maalintii celcelis ahaan, laakiin tirada saacadaha la soomaayo way kala duwan yihiin marka loo eego loolka iyo dhigga waddan kasta iyo halka uu kaga yaalo dhulbaraha.

Sidoo kale,  tirada saacadaha la soomaayo ayaa ku kala duwan gudaha dalalka laftooda, gaar ahaan dalalka leh dhul baaxad leh, sida Aljeeriya iyo Sacuudiga, tusaale ahaan.

Saacadaha ugu yar Soonka dalalka Carabta

Comoros waxay markhaati ka noqon doontaa tirada ugu yar ee saacadaha soonka ee dunida Carabta bisha Ramadaan, iyadoo Muslimiintu ay soomi doonaan kaliya 12 saacadood iyo 37 daqiiqo.

Waa imisa saac Saacadaha ugu dheer ee laga soomi doono Ramadaanka dalalka Carabta

Wadamada Algeria iyo Tunisia ayaa la arki doonaa saacadaha ugu dheer ee la soomo bisha barakeysan ee Ramadaan, saacadahaas oo gaaraayo ilaa 15 saacadood iyo 45 daqiiqo.

Halaka Wadamada Carabta intooda kale, celceliska saacadaha laga soomaayo ay noqonaayaan ilaa 15 saacadood maalintii,

Waa tan celceliska tirada saacadaha soonka ee waddan kasta oo Carabeed :

Comoros: qiyaastii 12 saacadood iyo 37 daqiiqo.

Soomaaliya: qiyaastii 13 saacadood iyo 27 daqiiqo.

Yemen: qiyaastii 14 saacadood iyo 7 daqiiqo. Suudaan: qiyaastii 14 saacadood iyo 8 daqiiqo. Mauritania: qiyaastii 14 saacadood iyo 15 daqiiqo.

Qatar: qiyaastii 14 saacadood iyo 15 daqiiqo. Suuriya: qiyaastii 14 saacadood iyo 30 daqiiqo. Falastiin: qiyaastii 14 saacadood iyo 30 daqiiqo. Jordan: qiyaastii 14 saacadood iyo 30 daqiiqo. Lubnaan: qiyaastii 14 saacadood iyo 30 daqiiqo. Kuwait: qiyaastii 14 saacadood iyo 30 daqiiqo. Saldanada Cumaan: qiyaastii 14 saacadood iyo 37 daqiiqo.

Sacuudi Carabiya: qiyaastii 14 saacadood iyo 41 daqiiqo.

UAE: qiyaastii 14 saacadood iyo 41 daqiiqo. Bahrain: qiyaastii 14 saacadood iyo 49 daqiiqo. Ciraaq: qiyaastii 15 saacadood Masar: qiyaastii 15 saacadood. Morocco: qiyaastii 15 saacadood iyo 25 daqiiqo.

Liibiya: 15 saacadood iyo 30 daqiiqo. Algeria: 15 saacadood iyo 45 daqiiqo.

Tunisia: 15 saacadood iyo 45 daqiiqo.

Saacadaha Soonka ee wadamada kale oo aanan ahayn kuwa carabta ayaa kala ah:

Malaysia: qiyaastii 13 saacadood.

Singapore: qiyaastii 13 saacadood iyo 30 daqiiqo. Senegal: qiyaastii 13 iyo 30 daqiiqo.

Turkiga: qiyaastii 13 iyo 30 daqiiqo.

Indonesia: qiyaastii 13 saacadood iyo 30 daqiiqo. Hindiya: qiyaastii 15 saacadood.

Pakistan: qiyaastii 16 saacadood.

Iran: qiyaastii 16 saacadood.

Afgaanistaan: qiyaastii 16 saacadood iyo 30 daqiiqo.

Muslimiinta ku nool dalalka soo socda ayaa soomi doona saacadaha ugu badan ee soonka adduunka, kuwaas oo kala ah.

Greenland: qiyaastii 20 saacadood.

Warsaw (Poland): qiyaastii 18 saacadood iyo 30 daqiiqo.

Moscow (Ruushka): qiyaastii 18 saacadood iyo 29 daqiiqo.

Danmark: qiyaastii 18 saacadood iyo 26 daqiiqo. London (United Kingdom): qiyaastii 17 saacadood.

Paris (France): qiyaastii 17 saacadood.

Ottawa (Canada): qiyaastii 16 saacadood.

Spain: qiyaastii 15 saacadood iyo bar.

Talyaaniga: qiyaastii 15 saacadood.

Waxaa jira Magaalooyin kale saacadaha soonka u dhaxaysa 15-16 saacadood maalintii, sida Lisbon (Portugal), Beijing (Shiinaha), Washington (USA) iyo Pyongyang (Waqooyiga Kuuriya).

Saacadaha ugu yar adduunka ee laga soomaayo bisha Ramadaan:

Johannesburg (Koonfur Afrika): 11 ilaa 12 saacadood.

Buenos Aires (Argentina): 11 ilaa 12 saacadood. Cape Town (Koonfur Afrika): 11 ilaa 12 saacadood.

Christchurch (New Zealand): 11 ilaa 12 saacadood.

Paraguay: 11 ilaa 12 saacadood.

Uruguay: 11 ilaa 12 saacadood.

Brasilia (Brazil): 12 ilaa 13 saacadood.

Harare (Zimbabwe): 12 ilaa 13 saacadood.

Facebook
Twitter
Pinterest
Like it? Share it!

Leave A Response