Waa kuma sarkaalka Al Shabaab doondoonaysay ee Mareykanku dilay!.{AKHRISO}

by admin | Monday, Aug 3, 2020 | 391 views

Al-Naba, joornaalka wararka ee kooxda la baxday Dawladda Islaamiga ah ee Daacish ayaa daabacay warbixin labo bog ah oo uu kaga hadlay Khaalid Jaamac Maxamed Cusmaan (oo loo yaqaan Abu Osama al-Muhajir), oo xubin ka ahaa hawlgala warbaahinta sare ee Al-Shabaab, kaas oo u goostay Ururka Daacish faraciisa Soomaaliya.

Sida ku xusan warbixinta, Cusmaan ayaa dhashay sanadkii 1413 Hijri (July 30-Ogosto 27, 1992) magaalada Quetta ee gobolka Balochistan ee Pakistan waxa uuna ka dhashay qoys muslimiin ah oo Soomaaliyeed.

Warbixinta ayaa lagu xusay in markii uu jiray sideed sano, uu xifdiyay Qur’aanka, dhalinyaranimadiisa ayuu  jeclaa wararka adduunka iyo dhacdooyinka caalamka isaga oo markii dambe noqday wariye tabiya wararka la xiriira dagaaladda Jihaadka.

Sarkaalkaan ayaa markii uu 15 jir ahaa 1428 Hijri (Janaayo 20, 2007 ilaa Janaayo 9, 2008) waxa uu dadaal u galay in uu ka gudbo xadka Pakistan iyo Afghanistan balse waxaa joojiyay ilaalada xadka ee Pakistan, ka dib mas’uuliyiinta Pakistan ayaa dib ugu celiyay dalkoodii gaar ahaan magaaladda Quetta.

Al-Naba’ joornaalka wararka Daacish oo amaanaya Cusmaan ayaa xusay in uu dhagxaan ku tuuray ciidamada amniga Pakistan iyo ciidamada la-dagaallanka argagixisada ee dalkaasi si uu xadka ugu gudbo tababarana ugu qaado gudaha Afghanistan kugu biiro dagaalka.

Cusmaan ayaa ku biirey Al-shabaab qiyaastii sanadkii 2010. Wuxuu tababar ciidan ku soo qaatay xeryaha Al-Shabaab ee ku yaal caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo gobollada Baay iyo Bakool waxa uuna markii uu qalin-jabiyay, loo diray “Al-Quds Battalion” (Sarayat al-Quds). Xogta ayaa sheegtey in Cusmaan lagu dhaawacay dagaallo dhex maray Al-Shabaab, dawladda ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (TFG) iyo ciidamada Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Warbixinta ayaa markaasi xusaysa in Cusmaan uu ka careysan Al-Shabaab uu soo jiitay fikirka Daacish, Sida ku xusan taariikh nololeedka kooxda la baxday dowladda Islaamiga, taariikh aan weli la shaacin ka dib markii kooxdu ku dhawaaqday aasaaska ” Khilaafad” bishii Juun 2014, Cusmaan ayaa  ballan-qaaday in uu si firfircoon uga shaqeeyo samaynta xiriir kala dhexeeya Daacish.

Taasi  waxa ay ka careysiisay Saraakiisha Al-Shabaab waxaana la xukumay xabsi hal sano iyo sideed bilood. Waxaa looga hanjabay in la dili doono haddii uu isku dayo in uu mar kale ku biiro kooxda la baxday Dawladda Islaamka sida maqaalka ku xusan.

Warbixinta ayaa markaa sheegaysa in Cusmaan ugu dambeyntii ku guuleystey in uu ku biirista Xoogga Daacish ee ku sugan booralayda Galgala – halkaas oo kooxdu ay ka dhigtay saldhigeeda ugu weyn ee Soomaaliya. Iyada oo taa laga jawaabayo, Xoogga amniga gudaha ee Al-Shabaab,  ee loo yaqaano Amniyaatka, ayaa weerareen gurigiisa, waxa ay qaateen hubkii iyo kumbuyuutarkiisii iyaga oo ugu hanjabay xabsi, dil, iyo in ay ka xaysanayaan xubnaha qoyskiisa.

Al-Shabaab ayaa markaa kadib ku hanjabtay in ay ugaarsato meelkastoo uu tago waxa uuna saldhig ka dhigtay Buur-layda Galgala.

Cusmaan si dhakhso leh ayuu ku noqday sarkaal sare oo Daacish ah. Waxa uuna xubin muhiim ah ka ahaa hawlgalada warbaahinta ee Daacish isagoo lagu xushmaynayo aqoonta uu u leeyahay luuqada Carabiga.

Warbixinta Al Naba ayaa lagu  xustay in Cusmaan lagu dilay gantaal ay tuureen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee howlgalka Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM)  ee loo yaqaan (UAV)  oo lagu tuuray buuralayda Golis ee Puntland.

Warbixinta Majaladda ayaa muujinaya farqiga fikradeed ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo kooxda la baxday Dawladda Islaamka(Daacish) iyo sidoo kale waxa ay muujineysaa halganka sare ee labada kooxood ee gudaha Dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Majaladda ayaa sidoo kale sheegtay in uu jira khilaafka u dhexeeya Al-Shabaab iyo Daacish inkastoo ay ku tilmaantay in ay yihiin wakiillada dhabta ah ee Islaamka ee gobolka dhaca geeska Qaarada Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response