Waa Maxay Sababta Maalintii Sedexaad oo Xariir ah ay u xiran yihiin Wadooyinka Muqdisho?

by admin | Friday, Apr 6, 2018 | 1006 views

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah xiran,waxaana istaagay isu socodkii gaadiid ah marka laga reebo kuwa ay wataan Madaxda Dowladda Soomaaliya.
Isgoysyada qaar ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan,iyada oo dadka qaar ay lugeynayaan.
Wadooyinka xiran oo ay Wariyaasheena soo sheegayaan ayaa waxaa ka mid ah Wadada Wadnaha oo ka xiran Isgoysyada Howlwadaag Iyo Tarabuunka halka Wadada Maka Al-Mukarama inteeda badan ay xiran tahay,iyo sidoo kale Wadada dhanka Isgoyska Jubba ilaa Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.
Sababaha Wadada loo xiray ayaa lagu sheegay in Maanta uu Muqdisho ka dhacayo Tartanka Orodka gaaban oo ay soo qabaan qaabisay Wasaaradda Dhalinyarah iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Wadooyinka xiray ayaa meelaha qaar xataa u diidaya in ay dadka maraan,in kastoo ay tahay Maalin Jimco ah oo inta badan Goobaha Ganacsiga iyo waxbarashada ay xiran yihiin ayaa hadana waxa xirnaanshaha walaac ka muujiyey Bulshada ku nool gobolka Banaadir

Like it? Share it!

Leave A Response