Waare “Dad ku sugan Muqdisho ayaa lugaha qabanaya Howlgalka Hirshabeelle”

by admin | Thursday, Apr 5, 2018 | 1007 views

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kulamana la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka ayaa waxa uu faah faahiyay Howlgalka ka socda Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad ku sugan Magaalada Muqdisho in ay dhaqaale ku bixinayaan sidii lugaha loo qaban lahaa Howlgalka Shabaab looga soo horjeedo ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ma uuan cadeyn cida dooneysa in la joojiyo howlgalkaas ee dhaqaalaha ku bixineysa, kuna sugan Muqdisho.

“Howlgalkan dad ayaa Xamar ka soo dhiiba lacag lugaha lagu qabanayo, Alle ka cabsada, lacagta Alle idinsiiyay waa la idinula xisaabtamaa, Ciidamada dhaawaca ah ee Isbitaalada jooga u daaweeya.” Ayuu yiri Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Hirshabeelle uu soo maray heer Magaalooyinka dhexdooda in isbaarooyin la dhigto balse haatan ay jiraan dad doonaya in ficilkaas uu soo laabto.

Safarka Hoggaamiyaha Hirshabeelle uu ku tagay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu isqabqabsi soo kala dhexgalay bulshooyinka dega Gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response