Waare” Hirshabelle waa Ku fashintay in Go’doonka laga Qaado Buula Burde

by admin | Sunday, Jan 5, 2020 | 572 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa  waxaa ay gaareen  Magaalada Bula Burde ee gobolka Hiiraan.

Garoonka diyaaradaha Buulo Burde waxaa Waare kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle oo maalmahaan ku sugnaa degmadaas & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Waare oo la hadlay qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uu ku fashilmay in uu go’doominta ka qaado Magaalada Buulo burde ee gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in sababta ay tahay in maamulka dhibaatooyin kala duwan uu soo wajahay,islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka Magaalada ka taagan.

Magaalada Buulo Burde ayaa Go’doonsan sanado badan ka dib markii Al-Shabaab ay xireen inta badan Wadooyinka soo galla.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa u jeedada ugu weyn ee u tagay BuuloBurde ay tahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhashay Maamulka Cusub ee loo Magacaabey degmadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response