Waare oo sheegay in DFS xayirtay lacag loogu deeqay Hir-Shabeelle.

by admin | Tuesday, May 11, 2021 | 302 views

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xayirtay in ka badan 35 milyan dollar oo Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ugu deeqeen fataahadaha Wabiga Shabelle.
Qoraal uu soo dhigay Barta Twitterka ayaa waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay tallaabadaas oo uu sheegay inay lacagtaasi xayireen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta iyo Beeraha.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle ayaa kusoo aadaya xilli degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe uu fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle lagana cabsi qabo in degaano kale uu ka fataho.
Dowladda Soomaaliya ayaa weli wax jawaab ah ka bixin warkaan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, kaas oo ah in dowladdu xayirtay lacago loogu talo galay fatahaadaha.

Like it? Share it!

Leave A Response