Wabiga oo ku Fatahay Buundada degmada Buula-burte

by admin | Monday, May 21, 2018 | 1026 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle bilaabay in uu karkaarada jabsado, isaga oo biyo badan dibeda u soo saaray kuwaa ka sare maray Buundada degmada.

Dadka ku dhaqan degmada ayaa hadda wajahaya fatahaad iyo daadad ka dhasha Wabiga Shabeelle oo buux –dhaafay, hasse ahaatee ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay fatahaadan degmada Buula-burte.

Jidadka gala degmada ayaa markii horeba iska ahaa kuwo xiran oo ay go’doomiyeen xoogagga Al-shabaab, halka Buundadu u aheyd bulshada reer Buula-burte marin muhiim ah oo u sahlayay isku xirka qeybaha kale ee gobolka iyo guud ahaan dalka.

Xaafadaha Bari iyo Galbeed ayaa isu socodkooda la hakiyay kaddib markii la joojiyay adeegsiga Buundada weyn ee dhexmarta Magaalada taas oo isku xireysa Xaafadaha Buulo Burte.

Magaalada Beledweyn ayuu horay Fatahaad uga sameeyay Wabiga,waxaana magaaladaasi noqotay mid inta badan dadkii degganaa ay ka barakaceen iyada oo gurmadka dadka Beledweyne uu ka socdo halkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response