Wabiga Shabeelle Oo Dad Ku Qaaday Magaalada Baladweyne

by admin | Saturday, May 16, 2020 | 469 views

wabiga shabeele ee dhaxmara  Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan   ayaa  qaaday dad ku sugnaa halkaas, kuwaasi oo qaarkood lasoo badbaadiyay.

Dad   Baladweyne ayaa  u shegay shabakada reegaay,com  in biyaha Webiga saacadihii lasoo dhaafay uu qaaday 10 ruux oo ku sugnaa  Buundo Koowaad ee isku xirta Baladweyne iyo deegaanka Ceel-jaale, waxaana lasoo badbaadiyay 8 qof.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Biyaha webiga weli lagu la’yay Nolol iyo geeri 2 ruux, hayeeshee waxaa socda Gurmad xoogan oo loogu  jiro sidii loo heli lahaa dadkaas, waxaana lagu raadinayaan doomo.

Dhinaca kale Xaafadaha qaar ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa xilligaan ku go’doonsan dad farabadan oo uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle, kuwaas oo xaafadahooda kasoo bixi waayay.

Inta badan Xaafadaha Baladweyne ayaa waxa buux dhaafiyey Biyaha kasoo baxay Wabiga ee fatahaada ah, waxaana taasi ay sababtay in dadka qaarkood ay Magaalada ka bixi waayaan.

laso wixii soo  kordho

Like it? Share it!

Leave A Response