Wabiga Shabeelle oo Fatahaad hor leh sameeyay,

by admin | Wednesday, Apr 25, 2018 | 997 views

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoosyimaada Magaalada Jowhar.

Fatahaadan ayaa sababtay khasaare soo gaaray dhul beereed baaxadiisa ay weyn tahay, inkastoo la xiray meelihii uu fatahaada ka sameeyay Wabiga ayaa hadana weli waxaa socdo Fatahaado uu Wabiga ka sameynayo Tuulooyinka Bayxaaw, Daymasame iyo Maandheere oo dhammaantood hoosyimaada Magaalada Jowhgar.

“Arrintan waxay bilaabatay Shan maalmood kahor, buq meesha ka baxday ayaa khasaare u geysatay beerrihii meesha ku yaallay oo dhan, biyaha way badnaayeen way sii gudbeen, xaalad aad u adag ayaa ka jirta degaanka.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Fatahadaan ayaa bilaabatay waxyar kadib markii Maamulka iyo degaanka ay ku guuleysteen in ay xiraan biyo shub uu wabiga ka sameeyay gudaha Magaalada Jowhar todobaadkii ina dhaafay.

Fatahaada ugu daran ee khubarada Wabiga Shabeelle ay ka digayaan ayaa ah tan loo yaqaano Buqda Maandheere oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay khasaare xoog leh gaarsiisay degaano ku yaalla Gobolada Shabeelooyinka, sidoo kale Buqda ayaa jartay wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u qorsheynsan tahay dayactir ay ku sameeyaan Wabiyada, waxayna tilmaamtay arrintan in ay iskala shaqeyn doonaan Wasaaradaha maamul goboleedyada ee mataanaha la ah Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response