Wada hadal Eritrea uga socda Itoobiya iyo jabhadda ONLF

by admin | Wednesday, Sep 19, 2018 | 1123 views

Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea waxaa shalay wada hadal uu uga furmay dowladda Itoobiya iyo ururka ONLF, iyada oo wada hadalkan uu yahay mid muhiim u ah labada dhinac.

Wafdiga xagga Itoobiya ka socda waxaa hoggaaminaya wasiirka xiriirka dowladda federaalka iyo madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar, halka dhanka ONLF uu horkacayo guddoomiyaha ururkaasi.

Weli ma jiraan wax rasmi ah oo ay ku heshiiyeen dhinacydan balse warar horudhac ah oo ay soo saartay jabhadda ayaa waxa ay ku sheegtay in labada dhinacba ay ku heshiiyeen sidii loo ilaalin lahaa danaha dadka degaanka Soomaalida iyo in lagu wada shaqeeyo si nabad ah.

Dhinacydan ayaa in mudo ah waxaa u socday wada hadalo haseyeeshee marwalba waxaa ku imaanayay dib u dhac sababay in wada xaajoodka uusan ka soo bixin wax mira dhal ah.

Shacabka ONLF ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya in mar un ay wada hadal la galaan dowladda Itoobiya, waxayna ku hanweyn yihiin in heshiis la kala saxiixdo, si loo soo afjaro xiisadaha taagan.

Isbedelada uu waday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa waxaa hada muuqata inay carqalado yar yar ku imaanayaan, maadaama ay banaanbaxyo waa weyn ka dhaceen magaalada Addis Ababa iyo degaanada ku dhaw, kuwaasi oo khasaare kala duwan geystay

Like it? Share it!

Leave A Response